Maamulka Jubbaland oo Maxkamad saareysa Xildhibaan Axmed Taajir oo Xabsiga Kismaayo ku jira

Ciidanka Amaanka magaalada Kismaayo ayaa shalay Xabsiga dhigay Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Jubbaland horay Xasaanada looga qaaday ka dib markii lagu eedeeyay inuu ku tuntay sharciga iyo Xeerka Baarlamaanka Jubbaland.

Maxamuud Sayid Aadan oo ah madaxweyne ku-xigeenka Koowaad ee Maamulka Jubbaland oo la hadlay Idaacadda VOA-da ayaa sheegay in maxkamad la soo taagi doono dhawaan mudane ka tirsanaa baarlamaanka Jubbaland oo xasaanada laga qaaday kadibna xabsiga loo taxaabay.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa sheegay in Axmed Xasan Cabdi(Axmed taajir) ay guddoonka baarlamaanka iyo guddiga anshaxa ay ku eedeynayaan in uu ku tuntay sharciga iyo xeerka baarlamaanka jubbaland.

“Axmed Taajir arrinta lagu haysto waa inuu ka been sheegay xildhibaano kale oo magacooda uu ku saxiixay dukuminti been abuur ah sharciga ayaana la horkeenayaa muddo 24 saac gudahood ah.”ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa beeniyay in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu bixiyay amarka ka qaadista xasaanada iyadoo warar soo baxayay dhowaan ay sheegayeen in uu jiro dhaqdhaqaaq ay wadaan xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland kaas ay ku diyaarinayaan mooshin.

Ciidamda ammaanka Jubbaland ayaa xabsiga u taxaabay Axmed Xasan Cabdi kadib markii uu sharci darro ku tilmaamay go’aan ay xasaanada ugaga qaadeen guddoonka baarlamaanka iyo guddiga anshaxa Jubbaland.

Axmed Xasan Cabdi ayaa ah xildhibaankii saddexaad oo ay guddoonka baarlamaanka Jubbaland xasaanada uga qaadaan iyadoo baarlamaanada maamul goboleedyada kale ee dalka ka jira iyo Baarlamaanka Federalka ahba aysan ka qaadin xasaanad xildhibaanka tirsan.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT