Guddiga Doorashada Qaranka oo tartamayaasha saddex kursi oo ka bannaan iminka Baarlamaanka Federalka xilli cayiman

 

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ee ay guddoomiyaha ka tahay Xaliimo Ismaaciil Yarey ayaa waxa ay ka codsadeen beelaha leh 3-da kursi ee Baarlamaanka Soomaaliya ka bannaan in ay keensadaan dadkii u tartami lahaa ama Musharaxiinta muddo toddobaad ah.

Xaliimo ismaaciil Yarey ayaa sheegtay in laga bilaabo 31 Janaayo ilaa 5ta Febraayo socon doonto is-diiwaan gelinta Tartamayaasha.

Hase yeeshee guddoomiyaha guddiga doorashooyinka madaxbanaan Marwo Xaliimo Yarey ayaan sheegin waqtiga la qaban doono doorashooyinka saddexda kursi.

Kuraasta loo tartamayo ayaa ah kuwo xildhibaanadii hore ugu fadhiyay ay geeriyoodeen waxaana tartamadooda ay ka dhici doonaan maamul goboleedyadaJubbaland, Galmudug iyo Hirshabeelle.

Xildhibaanadii ka geeriyooday kuraastan ayaa waxa ay kala yihiin Marxuum Cabaas Cabdullaahi Sheekh Siraaje, Marxuum Bootaan Ciise Caalin iyo Marxuum Saciid Xasan Geedi

Dhowaan ayaa magaalada Jowhar waxaa lagu qabtay doorasho hal kursi, kursiga oo ay u tartameen illaa 6 mursahax waxaa ku guuleystay Xildhibaan Nuur Idow Beyle.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT