XOG HOOSE:- Mucaaradka ugu weyn Dowladda Farmaajo oo shiray & Masuuliyiin DFS ka tirsan oo Fadeexoobay

Xog gaara oo ay heshay wakaalada Warqaad ayaa sheegeysa in Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka tirsan Xisbiga Damu-Jadiid ay xalay kulan ku yeesheen magaalada Muqdisho, waxayna qorshe halis ah ugu dageen Dowlada uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Kulankan oo ka dhacay mid ka mid Hotelada ku yaala Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa soo abaabulay Siyaasiyiinta dhaq dhaqaaq ugu xoogan ee mucaaradnimada ka wada magaalada Muqdisho.

Fadeexada ugu xoogan ee heysata dowlada Federaalka ayaa ah in kulanka ay goobjoog ahaayeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo doonaya in dowlada ay mushaarka ka qaataan ay burburiyaan iyagoo u adeegaya dowlado shisheeye.

Damu Jadiid waxay isla garteen in fursado badan ay heystaan, oo ay ku ridi karaan dowlada Farmaajo iyagoo ka faa’iideysanaya khilaafka sii xoogeysanaya ee ka dhaxeeya Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo madaxda dowlada iyo sidoo kale weerarada lagu qaado shaqsiyaadka dowlada mucaaradsan


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT