Maxaa kala haysta Beesha Abgaal iyo Wasiir Beyle & Kheyre?+ Khayre oo dalab culus horyaalo

Warar hoose oo ay heshay Wakaalada Warqaad.com ayaa sheegeysa in Odayaasha Beesha Abgaal ay doonayaan in xilal muhiim ah laga siiyo isku shaandheynta golaha wasiirada ee dhawaan la sameynayo.

Beesha Abgaal ayaa dooneysa inay helaan Wasaaradda Maaliyadda oo hada uu hoggaamiyo Wasiir Beyle oo kasoo jeeda deegaanada Somaliland.

Wasiirka amniga ayaa lagu wadaa in xilka laga qaado waxaana lagu bedeli doonaa wasaaradda ganacsiga oo ay diidan yihiin beesha Abgaal.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa maalmaha soo socda kulamo kala duwan la yeelan doona beelaha kala duwan ee xilalka la isku shaandheynayo ay quseyso, waxaana wax dhib badan ah in dhamaantood la qanciyo.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT