Hay’adda Culimada oo baaq ka soo saaray colaadda Tukaraq, fariina u diray Puntland iyo Somaliland

 

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen magaalada Muqdisho, kaga hadlay colaada ka jirta deegaanka Tukaraq ee ka tirsan Gobolka Sool, kaasoo u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland.

Culimada ayaa ugu baaqay maamulada Somaliland iyo Puntland inay khilaafkooda ku xaliyaan si nabad ah, allena uga baqaan daadinta dhiigga muslimiinta Soomaaliyeed.

Sidoo kale Culimada ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan kara burbur iyo barakac colaadaas, iyadoo deegaanka ay ka jiraan duruufo adag.

Culimada ayaa ugu baaqay labada dhinac inay joojuyaan abaabulada ciidan iyo erayada xanafta leh ee sii hurinaya colaadda.

 


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT