Daawo:- Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Muqdisho ka furay shir looga hadlayo Xasilinta dalka

 

Wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shir looga hadlayo Xasilinta dalka, kaasoo ay ka qeyb galayaan Beesha Caalamka, Mas’uuliyiin ka socotay dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Shirkan oo ah mid hal malain ah ayaa diiradda lagu saarayaa sida ugu haboon ee loo wajihi karo xasilinta guud ee dalka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye ayaa kula dardaarmay ka qeyb galayaasha kulanka inay soo bandhigaan aragtidooda ku aadan sida ugu haboon ee dalka lagu xasilin karo iyo muhiimadda ay leedahay.

Shirkan ayaa ah kii u horeeyay uu qabto Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta, tan iyo markii xilkan loo magacaabay 4-tii bishan January ee sanadkan cusub 2018.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Dowlad Goboleedyada dalka kala shaqeyneyso xaqiijinta ammaanka deegaanadooda iyo in hal meel looga soo wada jeesto falalka lidka ku ah amaanka dalka.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT