Maxuu Siyaasi C/raxmaan Cabdishakuur  ka yiri danaha lagu fushado Hay’adda NISA?

 

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ku tilmaamay xariggii koobnaa ee shalay loo geystay labo ka mid ah Mas’uuliyiinta Xisbiga inay aheyd mid afduub ah.

C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in Hey’addii Nabadsugida Qaranka ay noqotay mid lagu fushado dano siyaasadeed oo shaqsi ah.

“Wuxuu falkaas ahaa afduub loo geystay labo ka mid ah Mas’uuliyiinta Xisbiga Wadajir, waana arrin muujineysa in Hey’addii Nabadsugida Qaranka lagu fushanayo daneysi siyaasadeed oo shaqsi ah”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Wadajir Sayidcali Macalin Cabdulle ayaa sheegay in falkii shalay Ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida ay uga kaxeysteen Hotelka Maka Al-Mukarama inuu ahaa mid la doonayay in lagu khaarijiyo, waxaa uu ka digay in dalka wado qaldan lagu hoggaamiyo.

Xisbiga Wadajir ayaa ah xisbi mucaarado iyo afkaaro kulul kala hor-yimid dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, waxaana horay Muqdisho ugu qabteen doodo siyaasadeed lagu dhaliilanayay dowladda iyo qaabka wax u wado.

17-kii bishii December ee sanadkii hore ayay aheyd markii Ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida ay howlgal ku qaadeen guriga C/raxmaan C/shakuur, waxaa howl galkaas ku dhintay shan ka mid ah Ilaalada Mr Warsame.

Xaalada siyaasadeed ee Muqdisho ayaa bishii la soo dhaafay noqotay mid cirka isku shareertay, iyadoo mowjado ay dhaliyeen weeraradii lagu qaaday guriga C/raxmaan C/shakuur iyo Guriga Senator Cabdi Qeybdiid oo ka tirsan Aqalka Sare, sida uu fadhigii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ka sheegay Micheal Keating.

 


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT