Doorashada  xubin Baarlamaan oo saaka yka dhacaysa magaalada Jowhar

 

Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in saaka lagu wado inay ka dhacdo Doorashada Kursiga Beesha Cali Madaxweyne ee Xawaadle oo ka mid ahaa kuraasta ka banaan Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Doorashada kursigan ayaa waxaa ku tartamaya illaa 6 Musharax oo ay ugu cad cad yihiin C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo dib mar kale ugu tartamaya kursigan oo uu horay u baneeyay, Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble, Daahir Cabdulle Cawaale oo horay uga mid ahaa Musharaxiinta Hirshabeelle iyo Ex Xildhibaan Nuur Iidow Beyle.

Wararka ayaa sheegaya in doorashada kursiga ay tahay mid aad u xiiso badan, isla markaana uu ka mid yahay kuraasta ugu dhaqaalaha badan.

Guddiga doorashooyinka madaxa banaan ayaa shalay la kulmay Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Musharaxiinta u tartameysa, waxaana ay kala hadleen sidii doorashada ay ugu dhici laheyd si dimoqraadiyad ah.

51-Ergo ee dooraneysa musharaxiinta ayaa lagu wadaa in saaka lagu xareeyo hoolka Shirkadda Farjano, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay, waxaa la xiray waddooyinka soo gala bartamaha magaalada.

C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa mar kale la filayaa inuu ku guuleysto kursigan uu horay u baneeyay, markii uu ahaa Taliyaha NISA, waxaana uu horay ugu guuleystay in aan doorashada kursigan la qaban, intii uu xilka Taliyaha NISA hayay.

Doorashada Kursigan oo ka mid ah kuraas ka banaan golaha shacabka ayaa ku soo aadeysa, xilli Maxkamadda Sare ee dalka ay dhowaan soo saartay in aan la qaban karin doorashada kuraasta ka banaan golaha shacabka.

 


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT