M/weyne Farmaajo oo ku sii jeeda magaalada Addis Ababa ee waddanka Itoobiya

M/weynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa gelinka dambe ee maanta u socdaalaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb galaya shir madaxeedka Midowga Afrika oo dhamaadka bishan ka dhacaya magaalada Addis Ababa.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu sidoo kale ka qeyb geli doono shir gaar ah oo ay leeyihiin Madaxda Urur Goboleedka IGAD oo looga hadlayo arrimaha Koofurta Sudan.

Ka qeyb galekiisa shir madaxeedka Midowga Afrika ayaa ah kii u horeeyay, tan iyo markii uu la wareegay xukunka sanadkii hore.

Safarka  Madaxweynaha ee Addis Ababa ayaa ah kii saddexaad, tan iyo markii sanadkii hore uu ku guuleystay xilka Madaxweynaha.

 


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT