XOG HOOSE:-  Xil ka qaadistiisii ka dib Guddoomiye Thaabit Maxaa Qorshe ah oo Muqdisho ka sameeynayaa?

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Ahaana Duqii Muqdisho ayaa qorsheynaya in Habeenka Khamiista oo jimcaha ay soo galeyso uu xaf sagootin ah u qabto Wariyaasha Soomaaiyeed gaar ahaan kuwa ku sugan Muqdisho oo uga tagayo dardaarankii ugu danbeeyay.

Guddoomiye Thaabit oo xilka looga qaaday Wareegto ka soo baxday madaxweynaha Soomaaliya ayaa ahaa shaqsi si aad ah ula shaqeynayay Wariyaasha,islamarkaana ka damqan jiray dhibtooda.

Wuxuu hadda ku baaqay kulan casho oo sagootin Guddoomiyaha loogu sameynayo oo ku keli ah Wariyaasha.

Guddoomiye Thaabit ayaa hadda qorsheynaya inuu xilka ku wareejiyo Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir C/raxmaan Omar Cusmaan Yariisow oo horay u ahaa Wasiirkii Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya.

 

 


Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

ADVERTISEMENT