Xildhibaan Fiqi & Waxgarad soo bandhigay ujeedka MD Farmaajo ka leeyahay dhagax dhiga Dekadda magaalda Hobyo

Iyadoo maanta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo adaxweynaha Maamulka Galmudug ay si wada jir ah u dhagax dgigeen dhismaha Dekedda Hobyo ee gobolka Mudug ayaa waxaa tallabadaasi soo dhaweeyay Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Waxgarad ka soo jeeda deegaanada Maamulka Galmudug.

Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa tallaabo guul ah ku tilmaamay dhagax dhiga Dekeddaasi.

Waxaana uu hoosta ka xariiqay in arrintani ayu tahay guul u soo hoyatay dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Imaam Cumar Macallin Abshir oo ka mid ah Waxgaradka ka soo jeeda deegaanada maamulka Galmudug ayaa guul weyn ku tilmaamay dhagax dhiga dhismaha Dekedda magaalada Hobyo.

Waxaana uu xusay in ay tahay Barwaaqo u soo hoyatay shacabka ku dhaqan deegaanada Maamulka Galmudug.


Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

ADVERTISEMENT