War Deg Deg Ah:- Guddiga Amniga P/land oo shir deg deg ah ka yeeshay Xaaladda Tukaraq & War laga soo saaray

 

Wararka naga soo gaarayo magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in magaaladaasi ay kulan ku yeesheen Guddiga Amniga Puntland oo ay kaga doodeen Xiisada Tukaraq iyo duulaanka Somaliland ay ku soo qaatay deegaanada Puntland.

Waxaa shir guddoominayay Kullanka madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas,waxaana lagu jeex jeexay daan daansiga Ciidamada Somaliland ay ka wadaan deegaanada Gobolka Sool ee muran badan uu ka taagay.

Kullanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay inta badan Saraakiisha Ciidamada Amaanka maamulka Puntland,waxaana la sheegayaa in la isku afgartay sidii looga jawaabi lagaa duulaanka maamulka Somaliland.

Guddiga Amniga Puntland ayaa ka kooban:-

. Madaxweynaha Puntland ahna taliyaha Ciidamada Qalabka sida.

. Madaxweyne ku-xigeenka Puntland

.Taliyaha Ciidamada Difaaca

.Taliyeyaasha Ciidamada kala duwan

.Wasiirka Amniga Puntland

.Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo xubno kale

 


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT