Taliyaha Ciidamada Jen Saciid Dheere & Madaxweyne Gaas oo go’aan cad qaatay iyo Ciidanka Puntland oo la amray….

Wararka Warsidaha somsantv.com uu haatan ka helayo madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe ayaa sheegaya in taliyaha ciidamada Puntland  Jen. Siciid Dheere iyo madaxweynaha Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ay kulan xasaasi ah kuwada qaateen gudaha madaxtooyada Puntland.

Ujeedka kulankani ayaa salka ku hayey is xog waraysi u dhaxeeya madaxweynaha iyo taliyaha iyo qaabka loo marayo hanaanka dagaal ee ka dhanka ah ciidamada maamulka Somaliland, waxaana intii uu socday kulankaasi taliyuhu kala hadlay madaxweyne Gaas sida ugu haboon ee ciidamada Puntland ay u qabsan lahaayeen magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool iyo sidii kale caqabadaha ku xeeran qabsashada magaaladaasi Laascaanood oo uu taliye Siciid Dheere marar badan kala hadlay madaxweynaha sida ay somsantv.com u xaqiijiyeen qaar kamid ah shaqaalaha madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe.

Jen. Siciid Dheere ayaa madaxweyne Gaas ka codsaday in uu saxiixay damaanad qaadista tasiilaadka ciidan oo dhan iyo sidoo kale in ciidamada aanan loo raacan karin khasaarayaasha ka dhasha dagaalka magaalada Laascaanood, isagoona ku war galiyey in ay muhiim tahay in arimahaasi ay isla arkaan taliyaha Isimadda dhaqanka Beesha Dhulbahante si ay u damaanad qaadaan in ay tuurta wada saartaan iyaga iyo madaxweynuhuba in aanan loo raacan wixii yimaada inta uu socdo hawlgalka xoreynta gobolka Sool ee haatan ciidamada Puntland u diyaarsan yihiin, waxaana amar lagu siiyey Jen-ka in uu dagaal baahsan ku bartlmaameedsado ciidamada maamulka Somaliland.

Madaxweynaha iyo taliyaha ayaa isla qaatay dhamaanba arimahaasi, waxaana dhawaan la filayaan in markan ay shir deg deg ah wada qaataan Isimadda dhaqanka Beesha Dhulbahante iyo taliyaha ciidamada difaaca Puntland  Jen. Siciid Dheere kaas oo lagu soo gaba gabeyn doono hawlgalka ay qaadi doonaan ciidamada Puntland.

 

 


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT