M/weyne Shariif Xasan & Saraakiil Britain oo Arrimo muhiim uga hadlay Baydhabo+Sawiro:-

 

Waxaa maanta magaalada Baydhabo lagu soo dhoweeyay madaxweynaha maamulka Koofur galbeed iyo wafdi uu hogaaminayo oo mudo ka dib dib ugu laabtay.

Wefdiga ayaa  waxaa Garoonka diyaaradaha Magalada Baydhabo ku soo dhaweeyay masuuliyiin ta tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya,kuwaas oo ku sii sugayay Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo.

Shariif Xasan ayaa  ka yimid Magalada Dhuusmareeb ee Casimadda Galmudug oo uu uga qeyb galay shirkii ay ku midoobeen Madaxda Galmudug iyo Ahlusunna oo uu sidoo kale Goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Soomaaliya.

Intaasi kadib Shariif Xasan ayaa  Xafiiskiisa ku qaabiley saraakiil ka socotay Dowladda Ingiriiska,waxana ay ka wada hadleen Xaaladda Guud ee deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya  iyo sidii ay Maamulka taageero u siin lahaayeen.

Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Nuuradiin Yuusuf Abuukar Gacma oo Warbaahinta la hadlay ayaa ayaa sheegay in madaxweyne Shariif iyo Saraakiisha ka socotay Britain ay ka wada hadleen sidii wada shaqeyn u dhexmari lahayd.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT